U bood dhigaalka

Muqdisho: 4 Xildhibaan Oo Somaliland Ka Soo Jeeda Ayaa La Doortay

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta mar kale Muqdisho ka dhacay doorashada aqalka hoose ee beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Kursiga hore waxaa ku guuleystay Sahro Cabdqadir Cabdinasir oo helay 48 cod halka Faadumo Faarax Maxamed oo la tartantay ay heshay 2 cod.

Kursiga kale, Jamal Xasan Ismaciil oo ku guuleystay kursigan waxaa uu helay 50 cod halka Sucaad cabdulahi Kaahiye ay heshay 0 cod, hal codna waa uu hallaabay.

Kursiga 3aad: Faadumo Cali oo helay 49 cod ayaa ka guuleysatay Maryan Xasan Axmed oo heshay 1 cod.

Kursiga 4aad: Cabdulahi Cusmaan Ducaale oo helay 45 cod ayaa waxaa uu ka adkaaday 4 cod.

Ilaa 19 Xildhibaan ayey  doorteen beelaha ka soo jeeda Somaliland, 46 Xildhibaan ayaa laga doonayaa in ay doortaan beelaha Somailand.