U bood dhigaalka

Muqdisho : Askari xalay gacantiisa ku dilay xaaskiisa

Sheeko:War

Askari ka tirsan ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay ahayd gacantiisa ku dilay haweeney uu qabay oo sida la sheegay uur lahayd. Askariga ayaa rasaas la dhacay afadiisii markii la sheegay in ay isku dhaceen.

Haweeneydan ayaa Magaceeda lagu magacaabi jiray Nadiifo Amrad, waxaana dilkeedu yimid Markii ay isku dhaceen Saygeeda oo ay iyana la sheegay inay bir ku dhufatay kadibna uu ku furay rasaas, intaa kadib waxaa Goobta isugu soo Baxay Dadka Dariska la ahaa oo la sheegay in ay qabteen askarigii kuna wareejiyeen Ciidanka Booliska .

Dhacdadan ayaa ka dhacday agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodan. Ninka falka dilka ah u geystay Xaaskiisa ayaa u adeegsaday qori AK-47 ah oo uu watay, sida ay xaqiijiyeen ehellada haweenayda la dilay.

Lama oga waxa uu salka ku hayo muranka sababay in haweeneydan uurka lahayd ay ku weyso nolosheeda.

Dhanka kale, koox hubaysan ayaa xalay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshid ku toogtay qof rayid ah oo watay gaari nooca raaxada. Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Towfiiq, halkaasi oo saaka ay isugu soo baxeen dadka Deeganka.

Lama oga sababaha ka dambeysay dilka qofkan rayidka ee watay gaariga raaxada. Qof Degan xaafada oo saaka tagay halka uu dilkan ka dhacay ayaa Goobjoog FM u xaqiijiyay.