U bood dhigaalka

Muqdisho: Baadi goobka dadkii ka dambeeyay dilka gabdhihii macalimiinta ahaa oo socda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka dagmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku raad joogaan rag hubeysan oo shalay Gabdho Macalimiin ahaa ku dilay dagmadaasi.

Gudoomiyaha Maamulka dagmada dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir Aadan Maxamed Cumar oo la hadlay Goobjoog Fm ayaa sheegay in Maamulka iyo Ciidamada Booliska oo is kaashanaya ay baaritaan ku hayaan ragii dilka ka fuliyay dagmadaasi.

Gudoomiyahan ayaa tilmaamay in Gabdhaha 2-da ah ee lagu dilay dagmada ay macalimiin ka ahaayeen Iskuul ku yaala dagmadaasi oo ay xiligaasi u socdeen sida uu sheegay.

Dadka shacabka ah ee ku nool dagmadaasi ayaa waxa uu ka dalbaday inay soo gudbiyaan cid weliba oo looga shakiyo Dil iyo falal Amni daro oo laga fuliyo dagmadaasi.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyay in iyaga ay mas’uul ka yihiin dayaca amni ee degmadaasi ayuu sheegay in habeen iyo maalin ciidamada amniga ay u taagan yihiin wax ka qabashada amaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha.

Goobjoog News