U bood dhigaalka

Muqdisho: Carwooyin Loogu magac daray Waddamo iyo Magaalooyin Shisheeye

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho Marka aad ku dhax socotid Waxad arkeysaa  goobo ganacsi oo isugu jira carwooyin dharka lagu iibiyo iyo Goobo laga cunteeyo kuwaasi oo wata magacyo magaaloyin iyo waddamada shisheeye.

Magacyada qaar ee marka aad magalada dhaxmarto ku arkeyso waxaa ka mid ah Istanbuul,  Italy, Turky,  London,  Dubi iyo magacya kale iyadoo dad badan ay iswediyaan sababta uu ganacsaduhu ku doortay magacaas.

Balse milkiilayaasha goobahaasi ayaa ku sheegaya inay sababta ay ula baxeen ay tahay agabka  ay iibiyaan oo uga yimaada wadamadaasi sida uu sheegay Goobjoog news Mahad Xasan Cilmi oo ah maamulaha carwada Italy and Turky oo ah goob dad badan ay u soo dukaameysi tagaan.

“waxa aan kudoortay magacan waxaa ka soo adeegta wadamadaasi Turki iyo Itali waxan keeno ayaa ah alaabaha tayada leh ee wadamadaasi laga soo saaro dadkana sidaa ayey noogu yimaadeen” ayuu yiri Mahad xasan cilmi.

Sidoo kale waxa jira goobo laga cunteeyo oo magaalada meela dhowr ah ku yaalla  islamarkaana dadka ay isku yimaadaan.

London Get oo ah  meel furan 24saac oo xitaa xilliyada habeenkii aad ka heleyso cunada nuucyadeeda kala duwan sida uu ii sheegay maamulaha London Get Muumin Maxamed Maxamed Ibrahim oo aan kula kulmay gudaha maqayadda London Get ee magalada Muqdisho.

Muumin waxa uu ii sheegay in magacan ay ka faa’iideen marka laga yimaado sababta ay ugu bixiyeen macaamil badan oo goobtan ku xiran xilli walbana yimaada.

“waxan sameynaa adeeg kala duwan midka ay bixiyaan goobaha kale ee laga cunteeyo waxaa magacan uu ku doorbiday milkiilaha halkan waxa u furan xarun kale oo uu ku leeyahay London sidaasi ayuuna ula baxay dadkuna waa magac soo jidanaya “ayuu yiri

Ibrahim Isaaq Yaraw oo maqaayadda london Get hawl wadeenadeeda ka mid ah ayaan weydiidyay sida dadka ay ugu degaan iyo adeegyada cusub ay dadka u qabtaan Waxa uuna sheegay inay si wanaagsan oo ay dadka ku soo jitaan ayna u qabtaan macamilka waxa uu u baahan yahay.

“halkan waxan ka ahay kabalyeeri waxaa ay dadka aan u adeegno ku faraxsan yihiin shaqada aan u qabano waxaan xilli walba dadka ka cunteeya halkan ay helaan adeeg xilli kasta ah xitaa habeenki waqti danbe ” sidasi ayuu tiri Ibrahim Isaaq Yaraw

Sida milkiilayaasha ganacsiyadan  qaarkood ay ii shegeeen waxa ay leeyihiin dadka waxa ay naga aaminsanyihiin in magacyada an la baxnay ay yihiin kuwa aan ku dooneyno inaan lacag badan kaga iibino waxaan ku gadeyno goobaheena ganacsi

Magaalada Muqdisho oo ka soo kabaneysa burburkii dagaalada dhowr  20 ka sano ka socday dalka  ayaa hadda u muuqaneysa mid ay ka hirgeliyaan ganacsiga horumarsan .

W/Q: Bashiir Maxamuud Wehliye