U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidamada booliska oo baaraya gawaarida ku xiran muraayadaha madow

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka bilaabay magaalada Muqdisho howlgallo ay uga hor tagayaan baabuurta isticmaasha muraayadaha madow ee loo yaqaano beensalka.

Booliska ayaa lagu arkayay qaar ka tirsan isgoysyada muhiimka ah ee magaalada iyaga oo bartilmaameydsanaya noocyada kala gedisan ee gawaarida ay ku xiranyihiin muraayadaha madow.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa kol hore uga digay wadayaasha gaadiidka in ay ku xirtaan muraayadaha beensalka baabuurta, iyaga oo ku micneeyay adkeynta amaanka magaalada.

Dhanka kale, maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jowhar uu ka dhaqan galo amar ay si wadajir ah u soo saareen talisyada booliska iyo kan nabad sugidda oo ku aadan in aan la isticmaali karin baabuurta muraayadaha madow.

Shacabka magaalada Jowhar ayay ugu baaqeen in ay dhaqan galiyaan amarkan ka soo baxay talisyada ciidamada oo ay muraayadaha madow gawaarida ka dajiyaan.

Wariyaha Goobjoog FM ee magaalada Jowhar Aadan Xuseen Daa’uud ayaa soo sheegaya in saaka wadooyinka Jowhar lagu arkayo ciidamo ka tirsan dowladda oo ka biyo diidsan in baabuurta miyaaradaha madow magaalada lagu dhex wato.