U bood dhigaalka

Muqdisho: Ciidamo Cusub Oo Ugandes Ah Oo Soo Gaaray

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan Uganda gaar ahaan kooxda loo yaqaano “Battle Group XXV”, oo tiro ahaan garaya 10,000 askari ayaa jimcihii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa badalay ciidamo kale oo 1,000 oo ay hoggaaminayeen Col. Paul Muwanguzi iyo Lt. Col. CK Asiimwe, ciidamadan ayaa ka howl-geli jiray shabeellada hoose.

Brig. Paul Lokech, oo ka hadlayey xafladda sagootinta ayaa sheegay inay ciidamada baxaya muujiyeen geesinnimo, laga dagaleen Al-shabaab Celjaale, Ayub, KM50, KM67, Buffor, Shalambood, Marka, Masla iyo Quoryoley.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya ilaa 6 Kun kuwaas oo joogay tan iyo 2007dii, waxaa lagu wadaa inay bixitaan bilaabaan 2019-ka.

Goobjoog News