U bood dhigaalka

Muqdisho: Dab Sababay Khasaaro Oo Ka Kacay Kaalin Shidaal

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada wadajir ee gobalka banaadir ayaa sheegaya in goordhaw dab xooggan uu ka kacay kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla xaafad lagu magacaabo Nasteexo.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka bilawday kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla xaafadda Nasteexo, dabka ayaana sidoo kale ku fiday dukaamo yar yar oo ka ag dhawaa kaalinta.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay dabka ayaa sababay bur bur hantiyadeed oo kaliya, ma jirto wax dad ah oo waxyeello ay ka soo gaartay.

Gadiidka dab damiska oo soo gaaray gobta uu dabka ka kacay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay damiyaan dabka.

Goobjoog News