U bood dhigaalka

Muqdisho: Dil Ka Dhacay Degmada Waaberi Iyo Dad Loo Xirxirey

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa maanta degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku dishay qof lagu sheegay inuu shacab ahaa sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaasi.

Dilkani ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga degmadaasi Waaberi waxaana kooxda hubeysan kadib la soo sheegayaa inay isaga baxsadeen goobta ay ka geysteen dilka.

Ciidamada dowladda ayaa howlgal dilka kadib ka sameeyay degmada Waaberi gaar ahaan halka uu dilka ka dhacay.

Howlgalkaasi ayaa lagu soo qabqabtay tiro dhallinyaro ah oo lagu xirxirey saldhigga degmada Waaberi, kuwaasoo dib qaarkood loo soo daayay.

Booliska ayaa sheegay in dhallinyaradani la baarayo oo dib laga soo sii deyn doono qaarka ay ciidanka la hareen waa haddii lagu waayo wax dambi ah.

Dilalka qorsheysan oo ay sheegato Xarakada Alshabaab masuuliyaddooda ayaa maalmahan ka dhacayay magaalada Muqdisho waxaana qaarkood lagu beegsaday askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News