Muqdisho: Ergo Doorasho Oo Dibadda Loo Saaray Kadib Buuq Ka Dhashay Doorasho Xildhibaan

Waxaa hadda Muqdisho ka socota dhex-dhexaadin iyo wada hadal looga gol-leeyahay sidii loogu tartami lahaa kursiga ay leedahay beesha Habar-Carfoon (Gadabuursi) oo qeyb ka aha deegaannada Somaliland.
Goobta doorashada ka socotay waxaa ka dhacay buuq looga soo horjeeday khudbadda mid ka mid ah labo qof oo kursigan u tartamaya, waa Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan taas oo keentay in ciidamada ammaanka ay ilaa 20 ergada doorashada ka tirsan dibadda u saaraan, kaararkana ka qaadaan.
Kursigan maanta la dooranayo, waxaa bishii Febraayo ee sanadkii hore ka geeriyooday Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, waxaana hadda u tartamaya wiilkiisa Faarax Saciid Xasan iyo Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan.
Maxaa soo kordhay?
Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee madasha doorashada Maxamed Saciid, guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil Yarey oo ugu dambeyntii meesha ka hadashay waxaa ay sheegtay in doorashada dib u dhacday, wixii dhacana ay cashar ka barteen iyada oo intaasi ku dartay in ay dib ka soo sheegi-doonaan xilliga doorashada.
Wixii arrintan ka soo kordha, kala soco Goobjoog News
Srkgqg vmozzh Cialis in usa generic cialis india
Qsgxpv xcvryd 10mg cialis generic cialis for sale
Xmbujm tpnlez Viagra order canadian pharmacy cialis
Izlvac xdepgk Viagra or cialis goodrx cialis