U bood dhigaalka

Muqdisho: Gawaarida AMISOM oo jiiray baallayaal ku xiran xargaha korontada

Sheeko:Dalka

Gawaari ay wateen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta bur buriyay saddex baalle oo ku yallay wadada Makka Al-Mukarama kuwaas oo la sheegay in saamayn ay ku yeesheen adeegii koronto ee shirkadda korontada BECO.

Maxamud Faarax Cali oo ka mid ah masuuliyiin u hadashay shirkadda BECO ayaa sheegay in dhibaatadan ay si joogto ah ugu hayaan ciidamada ka tirsan AMISOM.

“Waxaa maanta koronto la’aan ah kummanaan qoys iyo shirkado macaamiil inoo ah. Waxaa khasaare noogu filan adeega kala go’a ku yimid iyo burburka soo gaaray hantida shirkada oo ay ka mid yihiin baallayaasha ay burburiyeen.” Ayuu yiri Maxamud Faarax Cali

Masuulkan ayaa xusay in haddii aanay AMISOM ka digtoonaan tallaaboyinka noocan oo kale ah ay la tagi doonaan maxkamad si arrintaas loogu qaado .

Shirkadda korontada BECO ayaa fiilooyinka (xargaha) korontada ku xirta baallayaashan ay maanta cagta mariyeen kolonyada AMISOM.

Gawaarida AMISOM ayaa xawaare dheer ku mara wadooyinka kala gedisan ee magaalada Muqdisho iyaga oo dhowr jeer dad iyo xoolo ku jiiray laamiyada waa wayn ee caasimadda.