U bood dhigaalka

Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo laga xusay maalinta koowaad ee Ciidul fidriga

Sheeko:War
Dad weyne ka soo baxaya salaadda Ciida, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho
Dad weyne ka soo baxaya salaadda Ciida, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho

Maanta oo ah maalintii koowaad ee ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa farxadda maalinta wey ee ciida,  waxaana muuqata in farxadda iyo damaashaadka ciidda an loo kala harin dhallinyaro, caruur iyo ciroole.

Waddooyinka Muqdisho waxa soo camiray caruur fara badan oo loo soo labisay, islamarkaana heysta qalabka caruurtu ay ku ciyaaraan, kuwaas oo ay daadihinayaan waalidiintooda oo u qaraabo salaan tegaya xaafado kale.

Gaadiidka dadweynaha, Takaasida iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ayaa aad u shaqeynaya maanta, kuwaas oo dadweynaha kala daabulaya, maadaama ay dadku is booqdaan maalmaha ciidda.

Dhinaca kele madaxda qaranka ayaa salaadda ciidda saaka dadweyne farabadan kula tukanaya Masjidka Isbaheysiga Islaamka, kuwaas oo farxadda iyo damaashaadka ciidda la qeybsanaya ummaddooda Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Qaar kamid ah gobalada dalka maanta looga dabaal dagayaa munaasabadda ciidda oo ay dadku isugu hambalyeeynayaan munaasabdda.

Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa ugu hambalyeeyay shacabka deegaanada maamulkaasi maalinta koowaad ee ciiddul fidriga ,shacabkana waxa ay isugu hambalyeeynayaan ciidda .

Gobollada Baay iyo Bakool oo si wada jir ah iyana looga ciidayo ayay dadku isgu hambalyeeyeen ciidda ,waxaa lagu arkayaa waddooyinka Baydhabo dad aad u farabadan oo ka soo baxay masaajidda oo isagu hambalyeynaya munaasabadda ciidda .

Magaalada Hargeeysa ayaa sidoo kale ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee looga dabaal dagayo munaasabadda Ciiddul idriga .

Magaalada Gorowe ayaa iyana si ballaaran looga dabaal dagayaa munaasbadda ciidda.