U bood dhigaalka

Muqdisho: Jidadka Waaweyn Ee Muqdisho oo Xiran iyo Xaafado Qaar oo Marriinka Loo Diiday

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka xiran jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho xilli laga cabsi qabo dibadbaxyo ay qabtaan mucaaradka.

Ciidamada booliiska ayaa meel walba daadsan, waxaana la diiday isu socodka gaadiidka iyo xataa dadka meelaha qaar.

Goobaha aan la ogoleyn iney dadka socda u gudbaan waxaa ka mid ah jid cadayaasha gala xaafadda Buulo-xuubey ee dhanka Airportiga oo ka ag dhow guryaha iyo xarumaha murashaxiinta iyo mucaaradka dowladda.

Xirnaanshiyaha jidadka ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga Maka Al-mukarama, dadka ka shaqeeya Airporiga iyo xaafadaha u dhow.

Cismaan Xasan Cilimi oo ah guddoomiyaha xisbiga Kulan, kana tirsan mucaaradka oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri”In irdihii iyo jidadkii ay murashaxiinta la xiro, oo loo diidayo taageeryaasha iyo dadkii u imaan jiray, waa daandaansi iyo caburin, waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya madaxweyne Farmaajo” .

Goobjoog News