U bood dhigaalka

Muqdisho: Khariidad Ku Tusineysa Goobo Qasab Looga Raray Barakacayaal

Sheeko:Dalka

Hey’adda qaxootiga adduunka(UNHCR) ayaa soo bandhigtay khariidad ku tusineysa goobo Muqdisho ka tirsan oo  qasab looga raray barakacayaal wixii ka dambeeyay December 28, 2017.

Sida ay sheegeen hey’adaha gargaarka, bishii December 2017, waxaa ay dowladda qasab ku rartay barakacayaal illa 4,000 oo qoys ah, guryo,  iskuullo iyo goobo caafimaad ayaa la burburiyay,  hey’adaha UN-ka waxaa ay sheegaan in dadka qasab lagu barakiciyo ay kalif-tay in ay hoy la’aan noqdaan illaa 24,000 oo dadkaasi 3,000 ka mid ah caruur yihiin. Map-kan hoose waxaa lagu soo bandhigay meelo badan oo hey’ado caalami ah leeyihiin sida bogga hey’adda xuquuqda aadanaha adduunka.

Waa Khariidadda Hey’adda qaxootiga adduunka(UNHCR):

kaam

Arrimaha Banii’aadnimada: Sanadkan waxaa laga cabsi qabaa in ay sii socota xaaladaha banii’aadnimada, 5.4 qof ayaa khatar ugu jira, QM waxaa ay dalbaatay $1.6 Bilyan si wax looga qabto.

Goobjoog News: