Muqdisho: Khasaaraha Qaraxa uu Ka Badbaaday Xildhibaan Ka Tirsan BF

Waxaa xalay qarax lala eegtay gaari uu lahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow iyada oo halkaasi ka dhasheen dhimashada 3 ruux uu ku jiro darawalkiisa.

Qaraxan oo Miino ahaa ayaa ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto qeybta degmada Hodan, iyada oo saaka ay ciidamo halkaasi joogaan.

Khasaaraha waxaa uu sidoo kale soo gaaray tabeelayaasha korontada, oo xalay waxaa mugdi dareemay qeybo ka mid ah Hodan iyo Waaberi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in xilliga uu qaraxa dhaceyey ay waddada u xirneyd xaflad lagu furayey mid ka mid aha maqaayadaha Muqdisho, qaraxana uu ka dhacay halkii waddo ee furneyd.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW