U bood dhigaalka

Muqdisho: Maalinta Miinada, Wax Ka Qabashada, Wacyigelinta iyo Kohortagga Waxyaalaha Qarxa oo La Xusay

Sheeko:Amniga

4-ta April oo ku beegan maalinta Miinada adduunka iyo dadka ku waxyeeloobay Miinooyinka ayaa isniintii lagu qabtay magaalada Muqdisho iyada oo ay kasoo qeyb galeen madax kala duwan oo ka socotay dowladda federaalka ah, bulshada rayidka iyo hey’ado arrimaha miinada ku shaqo leh.

Munaasabadda oo soo qaban qaabiyeen SEMA iyo UNMAS oo sanadkan hal ku dheg looga dhigay dhul ammaan ah, tallaabo ammaan ah, iyo guri ammaan ayaa waxaa lagu xusuustay dadkii ku waxyeeloobay miinada iyo waxyaabaha qarxa

Ugu horeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Agaasimaha Guud ee hey’adda SEMA Daahir Cabdiraxmaan Cabdulle waxa uuna sharaxaad ka bixiyay waxqabadkii hay’adda Miino baarista xiliyadii ay Soomaaliya ka shaqeyneysay isagoona sheegay in ay rajeynayaan sanadaha soo socda ay dalka ka sifeeyaan haraadiga walxaha qarxa iyo hubka.

Agasima SEMA Daahir Cabdiraxmaan Cabdulle oo arrintan ka hadlay waxaa uu yiri “ intii aan ka shaqeeneynay Maareenta Miinooyinka iyo walxaha qarxa, waxaan ku guuleysanay in aan sifeenno Miinooyin badan oo ku aasnaa dhulka Soomaaliyeed , waxaa  ay Hay’adda SEMA Ku Guuleysatay in ay shan sano oo dheeraad ah u heshay in lagu dhameystiro dhammaan dhulka Miineesan ee gayiga Soomaaliyeed October 2022 ilaa October 2027. Cabdulle oo sii hadlaya ayaa waxaa uu ku daray “”Si loo gaaro yoolkaas waxa ay hay’adda SEMA soo jeedineysaa in hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha Miino saarka ay dardar galiyaan howlahooda Miina saarka qaranka iyaga oo ku shaqeynaya si waafaqsan nidaamka Miina saarka qaranka  u dagsan, waxaan Rajeynayaa in Soomaaliya ay xor ka noqoto waxyaabaha qarxa iyo miinooyinka dhulka lagu aaso sanadka 2027”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Yuusuf Cali Maxamed  oo isna goobta ka hadlay ayaa waxaa uu ka yiri“ Kadib Dagaaladii Sokeeye ee dalka waxaa wali dhulka Soomaaliyeed ku jira haraadigii hubkii lagu dagaalamay taas ayaana sababtay in la aas aaso hay’adda SEMA si loo yareeyo Miinooyinka”. Isaga oo raaciyey “Dowladda waxaa ay ka qeyb qaadaneysaa dabargoynta miinooyinka iyo haraadiga hubka”.

Xamdi Xassan oo kasocda Hay’adda MAG oo isna hadlay ayaa waxaa uu yiri“Waxaan ka shaqeynaa wacyigalinta iyo ka hortagga haraadiga walxaha qarxa, hHay’adda MAG oo kaashaneysa Hay’adda SEMA waxa ay sii wadi doontaa Ka shaqeynta iyo ciribtirka miinooyinka walxaha qarxa iyo haraadiga hubka oo wadanka meelo badan yaala”.

Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo  ka tirsan Baarlamaanka Hirshhabeelle oo isna hadlay ayaa yiri “ Dagaaladaii 1977 iyo 1991 kadib, dalka waxaa kajiray dagaalo sababay in dalka ay ku hareen miinooyin iyo haraadigii hubkii lagu dagaalamay oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada goobaha lagu dagaalamay sidaas darteed dowladda iyo Hay’adda SEMA waxaan ugu baaqaa in ay dardar galiyaan howlaha mino baarista”.

Xoghayaha Ururka suxufiyiinta SJS Cabdalla Axmed Muumin  oo hadlayey ayaa meesha ka akhriyey cilmo barista iyo daraasadaha arrimaha la xiriira isaga oo yiri“Sida ay sheegeyso Qaramada Midoobay sannadkii 2020 kaliya, illaa 501 qof oo Soomaaliyeed oo rayid ah ayaa u dhintay ama  u dhaawacmay sababo la xiriira walxaha qarxa iyo haraadiga dagaalka, sannadkii 2021 tirada dhaawacyada iyo dhimashadu waxay gaartay 669, dhowaan waxaan suxufiyiinta siinay tababarro ay ku jiraan wacyigelinta waxyaabaha qarxa iyo haraadiga dagaalka, iyadoo halku-dhigga sannadkan uu yahay Dhul ammaan ah, tallaabo ammaan ah, iyo guri ammaan ah ayaanu sii wadeynaa sare u qaadista wacyiga suxufiyiinta si ay khataraha waxyaabaha qarxa u gaarsiiyaan bulshada qeybaheeda kala duwan”.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda soo xiray Wasiiru dowlaha wassaarada amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed ayaa ka hadlay “Miinooyinka iyo Hraadiga hubka dhib badan ayay dalka kuhayaan qiyaastii sanadkii hore ayaa sheegeysa in toro kabadan Todobo boqol oo qof ay waxyeelo kasoo gaartay, waxaa muhiim ah in laciribtiro miinooyinka si loo ilaaliyo hormarka bini’aadamka. Wasiirka oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Dowladda Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dowladaha saxiixay heshiisyada caalamiga ah ee looga hortagayo miinooyinka,  kaalinta nooga aadanna waan qaadaneynaa, waxaa jira qorshe guud oo miinooyinka waxyeelada ay geysteen iyo sidoo kale dadkii ku waxyeeloobay hadii ay noqoto maskax ahaan iyo jir ahaan, hadii ay noqoto waxbarashad,  hadii ay noqoto hantidooda ku waayey loogu gurmanayo, waxaana ku dhiirigelinayaa umadda Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay in ay lasoo xiriiraan wasaaradda amniga gaar ahaan Hay’adda SEMA si loo caawiyo oo waxna loo taro”.

SEMA oo ah hey’adda barnaamijkan soo qaban qaabisay waxaa dikreeto madaxweyne lagu dhisay  August 6, 2013-kii, waxayna xafiis ku leedahay Muqdisho iyo dhammaan maamul goboleedyada.

Goobjoog News