U bood dhigaalka

Muqdisho: Magaallo Weyn Oo Shan Dab Damis Leh!

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad ka badan 3 Milyan ayaa hadana waxaa ka shaqeeya 5 gaadid oo kuwa dabka damiya, taasi oo ah mid ay dad badani la yaabaan, hase ahaatee marka si kale loo eego waa horumar ay ku tallaabsatay magaallada Muqdisho oo markii dib loo eego soo martay xaaladihii ugu adkaa ee xagga gaadiidka dabdamiska ah.

Waxaa magaalada ka shaqeynayey gaadiid aan la mid ahayn kuwa ay hadda leedahay dowladda, oo ay lahaayeen dad gaar ah iyadoo mararka qaar uu dabka iskiisa u damo ama la miciin bado kuwa AMISOM ee Muqdisho ku sugan, waxaana ay soo gaarayeen waqti dabkii baabi’iyey xarumo ganacsi ama dad waxyeello kasoo gaarto.

Dowlado badan oo dalka soo maray ayaan xil iska saarin in magaallada ay u sameeyaan gaadiid iyo ciidamo loo tababaro sida dabka loo damiyo.

Waxaa ii muuqda hadda dhowr gaari nooca dabdamiska ah, gaadiidka lagu qaado dadku ay waxyeellada soo gaarto inta dab daminta lagu jiro.

Waxaa sidoo kale aan arkaa dhallinyaro badan oo iyaguna u diyaarsan daminta dabka hadii magaallada uu ka kaco, inkastoo Muqdisho aanu ku filneen gaadiidka hadane dadaal badan baa la dareemayaa.

Maxamed Cali Xuseen oo ka mid ah dhallinyarada ka shaqeysa daminta dabka ayaan weydiiyey waxa ku dhaliyey in uu ka mid noqdo ciidamada dabka damiya.

“Markii aan arkay baahida loo qabo dabdaminta, aan arkay dabkii weynaa ee Bakaaro, la tagey Dekadda AMISOM lala soo hadlay ayna sheegeen inaysan bixi karin, aan arkay inay jirto baahi weyn ayaa guddoomiyahii hore ee Tarsan dalbay gaadiidkaan, anigane markaas ayeey igu dhalatay inaan noqdo dabdamiye, waxaan haystaa Labo Tababar oo AMISOM iyo Qaramada Midoobay”

“Shaqadan waa mid adag oo aad u dhib badan, hadane aniga aad baan ugu faraxsanahay in dadkayga iyo dalkayga u shaqeeyo” ayuu yiri Maxamed Cali Xuseen.

Waxaa badan shaqada ay ka hayaan caasimadda oo waxay si la mid ah wadamada caalamka uga shaqeeyaan meelaha uu dabka ka kaco iyaga oo leh Taleefanno u gaar ah si shacabka ay ula soo socodsiiyaan meesha ay wax ka dhacaan.

Agaasimaha waaxda dabdamiska ee dowladda Hoose Cabdullaahi Maxamed Saney ayaan weydiinnay caqabadaha haysta waaxda uu guddoomiyaha ka yahay.

“Waxaa jiray meelaha qaar oo xiran, laakiinse hadda waxaad moodaa in dadku la qabsadeen oo qeylada dabdamiska markii la maqlo loo baneeyo jidka la leeyahay waxbaa dhacay, dadku waxaan bareynay in codkaas ay maqlaan tahay inay jirto xaalad dab ah, xilli waxaa jirtay gaadiidka aanay wadadu baneen jirin, laakiinse hadda dadku wey barteen oo muddo Seddax sano iyo xoogaa magaaladaan waxaa laga demiyey dab badan, waxyaabo noo wada dhan adeeggeena ma haysanno, dhallinyarada waxay hadda ka hadlayeen qalabka iyaga ka maqan, Oksijiinka oo kale si ay uga gaashaantaan uurada, waayo qaarkood ayaa suuxay, shaambada dabka lagu damiyo oo nagu yar, qalabka markii uu yaraado waxay keenaysaa culeys, laakiinse marwalbo waxaan ku dadaalnaa in la helo alaabtaas” ayuu yiri Agaasimaha.

Waxaa jiro dhallinyaro badan oo iyagu ku biiray ciidanka gaarka ah ee damiya dabka, islamarkaana shaqo u noqotay.

Shariif Xuseen Maxamed waxa uu kusoo biiray shaqada daminta dabka sanadkii 2012-ka waxa uu ii sheegay intii uu tahriibi lahaa inay u dhaanto inuu ka shaqeeyo daminta dabka oo uu badbaadiyo shacabkiisa iyo hantidooda.

“Marwalbo dalkaaga iyo dadkaaga ayaa kuu baahan, Seddax Malyan ayaa ku nool magaalada Muqdisho, waxaa ku jira waalidkaa iyo walaalahaa, shisheeye iyo tahriib yeeysan u ordin dhallinyaradaan oo naftooda ay miiska u saaraan wax u qabashada dadkooda iyo dalkooda” ayuu yiri Shariif.

Muqdisho wey usii baahan tahay inay hesho gaadiid intaan ka badan oo kuwa dab damiska ah, maadaama magaaladu ay aad u weyn tahay xilli walbana dhibaato la filan karo.

W/D:- Ibraahim Xaaji Yuusuf

Goobjoog News