U bood dhigaalka

Muqdisho: Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Midawga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Waxaa Xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho Xubnaha midawga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Kulanka oo si gaar ah uga dhacay Hooyga uu madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa midawga Musharixiinta kala hadlay sidii loo dajin lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mudda kordhinta Golaha shacabka u sameeyen Farmaajo.

Ali Guudlaawe iyo Qoor Qoor ayaa sidoo kale Midawga Musharixiinta kala hadlay fariin ay Farmaajo uga wadeen midawga musharixiinta taas oo ku aadan In midawga Musharixiinta ay kulan la qaataan Farmaajo.

Wararka qaar ee Kulanka ay Goobjoog ka heshay ayaa shegaya in midawga Musharixiinta ay ku gacan seereyn dalabka ay Farmaajo ka wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

GoobJoog News