U bood dhigaalka

Muqdisho: Nin Qoyskiisa Dilay Ka Dibna Is Dilay

Sheeko:Dalka

Degmada Wadajir ee G/Benaadir nin hubeysan ayaa ku dilay 4 qof oo la sheegay in ay ahaayeen Ehelkiisa.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay meesha loo yaqaanno Sifeynta Bodroolka oo ku taallo duleedka Wadajir.

Ninka dilka geystay ayaa lagu magacabaa C/qaadir Caddaan isaga oo dilay Xaawo Maxamuud Caddaan oo aheyd walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuur-yare oo walaalihiis ahaa sidoo kale waxaa uu dilay ninkan xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Xuseen Cali .

Wararka qaar ayaa waxay tilmaamayaan in ninkaan laayey qaar ka mid ah Ehelkiisa uu isna ugu dambeyn is dilay.

Lama oga sababta keenaty in ninkan uu dilo qaar ka mid ah Ehelkiisa.

Goobjoog News