U bood dhigaalka

Muqdisho oo Laga Dareemayo Dhaqangalka Go’aankii Midabeynta Bajaajyada

Sheeko:Amniga
Waxaa maanta siweyn caasimadda uga hirgalay go’aankii kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ku aadanaa Midabeyn Mooto Bajaajyada iyo sida ay u kala shaqeynayaan, 25-ka bisha May oo maanta ku beegan Muqdisho ayaa waxaa ay dadweynuhu raacayaan Bajaajta ku midabeysan A, halka maalinta xigta ay shaqeynayso B.
Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa hore sheegay in looga golleeyahay xakameynta Jaamka badan ee waddooyinka caasimadda iyo sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho, Wareegtada maamulka ayaa sidoo kale lagu xusay in tallaabo laga qaadi doono ciddii ku xad gudubta.
Arrintaan ayaa haddii ay si sax ah u dhaqangasho waxaa la saadaalinayaa in ay wax badan ka tari doono Jaamka faraha badan ee wadooyinka caasimadda, taas oo bulshadu ay dhibaatooyin badan ku qabaan, waxaa mararka qaar ka dhasha shilal kuwaas oo ay wax ku noqdaan wadayaasha gaadiidka Mootada iyo kuwa rakaabka ah intaba.
Goobjoog News