U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Laga Hirgaliyey Mashruuca Cabitaanka Wareegga

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waayihii dambe waxaa ku soo badanayay hal abuurka ganacsi  oo ay la imaanayaan dadka, hadda waxaa magaalada ku soo kordhay hal abuur cusub oo ah Mootada Wareegta taasi oo lagu kor iibiyo cabitaannada qabow iyo cuntadaba.

Hal abuurkan waxaa uu dalka ku soo kordhiyay in qof kasta uu Nasiib u yeelan karo meesha uu joogo in uu ka helo Cabitaan Qabow lagana dhaliyay Tamarta qorraxda .

Cabdikariim Cabdullahi Diiriye waa hal abuuraha Cabitaanka Wareegga waxaa uu Goobjoog uga warramay sida uu ku keenay hal abuurkan cusub.

“Waxay igu dhalatay maadaama aan arkay Jidadka Muqdisho oo lagu iibinayo Cabitaannada, Markaan arkay Cabitaanno la qasqasayo ayay igu dhalatay in aan sameeyo Cambaha Muuska iyo Saytuunka”.

Dad badan oo Macaamiil ah ayaa ku soo xirmay Cibitanka wareegga iyada oo qof kasta dookhiisa Cabitan uu ka helo.

Ismaaciil Cabdisamad Maxamuud waxaa uu ka mid yahay Macaamiisha Cabitaanka Wareegga waxaa uu Goobjoog News la wadaagay dareenkiisa ku aadan Cabitankan.

“Yarkan waxaa uu sameystay shaqo abuur waxaa uu iibiyaa biyo Macaan oo ka kooban cambo timir shiidan iyo qumbo waan soo dhoweynayaa waana shaqo abuur wanaagsan”.

Cabitaanka Wareegga waxaa ka shaqeeya saddex dhallinyaro ah uu shaqaaleysiiyay Milkiilaha Cabitaanka wareegga waxayna ku dabaraan noloshooda.

Goobjoog News