U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Laga Mamnuucay Xoolaha Lagu Soo Daayo

Sheeko:Dalka

Wareegto uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay xoolaha lagu soo dhex daayo magaalada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka leh xoolaha lagu soo daayo magaalada la siinayo Labo Todobaad oo fursad ah, wixii ka dambeeya ganaax laga qaadi doono ciddii xoolaheeda lagu dhex arko magaalada.

Wuxuu Yariisow sidoo kale sheegay in haddii Saddex jeer uu qof ganaax ku dhaco in marka Afaraad lagala wareegi doono xoolaha.

Halkaan ka daawo warbixin ay Goobjoog News ka diyaarisay caqabadaha xoolaha lagu dhex dhaqdo magaalada Muqdisho bishii January (Riix halkaan)

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada: