U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Martigelisay Kulan Looga Hadlayo Xuduudaha Iyo Degmooyinka

Sheeko:Dalka

 Kulan looga hadlayo barashada xuduudaha iyo degmooyinka ayaa waxaa uu maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka faa’ideystay duruusta lagu baranayey xuduudaha iyo degmooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gudiga xuduudaha iyo federalka khaliif Cabdi Kariin Maxamed ahmiyadda kulankan dhalinyarada iyo haweenka ka qeyb galay uu u Leeyahay uga waramay Goobjoog News:

‘’Goobjoog Waad Mahadsan tihiin Baraamijkan waxaa la yiraahdaa Dalkaaga Baro, Waxaana Todobaadkii hore aan sidan oo kale qabanay kulan midkaan lamida waxaana ka faa’iideystay Siddeed Degmo oo Muqdisho ah

Maantana Waxaan u qabanay kulan kaas la mid ahaa Sagaal Degmo ujeedkeenu waa in jiilka Soo baxayaahi ay bartaan Xuduudaha iyo Degmooyinka Gayiga Soomaalida ku yaala’’.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in Ururadda Jaamacadaha iyo  Iskuuladda ay diyaar ula yihiin in inta Ardayda la isku keeno Mowduucyadan looga Faa’iideeyo.

Goobjoog News