U bood dhigaalka

Muqdisho Oo Saakay Kala Xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay kala xireen isku gudbka magaalada Muqdisho, iyadoo la diidayo gaadiidka dadweynaha.

Gaadiidka ku sugan dhanka wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaan usoo gudbi karin dhanka Makka Al-mukarrama, waxayna ciidamada oo jooga isgoys walbo ay diidayaan gaadiidka in wadadaasi kasoo tallaabaan.

Dad u badan arday iyo shaqaale islamarkaana subax walba kasoo tallaabi jirey iyaga oo gaadiid saaran wadada Wadnaha, ayaa saakay la arkayey in markii ay yimaadaan baraha ay ku sugan yihiin ciidamada iyaga oo lugeynaya.

Dowladda federaalka ayaa wixii ka dambeeyay February 8, 2017, waxay xirtay jidcadayaashii kasoo baxayey Wadnaha soona aadayey dhanka Makka Al-mukarrama.

Ma jirto wax ogeysiin ah oo shacabka loo sii sheego waddooyinka xirmaya, maadaama marar badan oo isku socodka magaalada la xiri jirey dadka loo sheegayey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News