U bood dhigaalka

Muqdisho: Qaraxii 2-aad oo Dhacay 12 Saac Gudaheed, Akhriso Khasaaraha

Sheeko:Amniga

Caasimadda Muqdisho waxaa 12-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay labo qarax xilli dalka uu ku jiro xaalad doorasho.

Saaka, qarax ka dhacay Xamarweyne, waxay wararku sheegayaan iney ku dhaawacmeen qaar ka tirsan ilaalada agaasimaha dekadda Xamar,

Dhanka kale, qarax xalay ka dhacay Gelato Divino ayaa waxaa ay hey’adaha gargaarka sheegayaan in ay ku dhinteen 7 qof halka ay 10 kale ku dhaawacmeen.

Dadkan oo dhalinyaro ahaa, waxaa dilkooda cambaareeyey dowladda federaalka ah iyo mucaaradka iyaga oo ku sheegay dil arxandarro ah.

Goobjoog News