U bood dhigaalka

Muqdisho: Qiimaha Khudaarta Oo Kor U Kacay

Sheeko:Dalka

Sare u kac ballaaran ayaa laga dareemayaa khudaarta nuucyadeeda kala duwan ee suuqyada magaalada Mugadisho, iyada oo ay yaraadeen wax soo saarka beeraha kadib abaarta dalka ka dhacday.

Qaar ka tirsan ganacsatada iibisa khudaarta oo Goobooj News lahadlay ayaa waxay sheegeen qiimo kororka ku yimid qiimaha khudaarta suuqyada Mugadisho ay sabab u tahay abaarta

“Digirta oo kale waxaa lagadaa nuuca gaduudan 34 kun halka markii hore lagadi jiray 12 kun digirta cadna waxaa lagadaa 26 kun horyna waxaa loo gadi jirat 15 kun”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ganacsatada.

Inta badan abaarta ku dhufatay waddanka ayaa waxay sababtay inay yaraadaan wax soo saarka beeraha,kuwaasi oo si wacan awal wax u soo saari jiray,waxayna abaartaas ay saameyn weyn ay ku yeelatay ganacsatada iibisa khudaarta nuucyadeeda kala duwan.

Sidoo kale sare u kaca ku yimid khudaarta ayaa waxay culeys weyn ku tahay dadka danta yar kuwaas oo aan awawoodin inay gataan khudaarta.

In kasta oo meelaha qaar roobab ka bilowdeden hadana lama hubo sida ay wax uga badli doonaan sare u kaca qiimaha khudaarta.

Goobjoog News