U bood dhigaalka

Qoysas gaaraya 4000 oo ka faa’ideystay deeq ay gaarsiisay bisha cas ee Imaaraadka carabta

Sheeko:Dalka

bisha cas UAE

Hay’adda bisha cas ee Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in ay sii wadayso kaalmo gaarsiinta dadka Soomaaliyeed iyada oo shalay deeq gaarsiisay qoysas tabaaleysan.

Hay’addan ayaa weli ka wada qeybinta hilibka udxiyada qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ka faa’ideystay in ka badan 4000 (afar kun) oo qoys kuwaasi oo ku dhaqan xeryaha barakacayaasha .

Cali Cabdulqaadir Aadan oo ka tirsan masuuliyinta bisha Cas ee isu taga Imaaradka Carabta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hay’adda bisha cas imaaraadka sida looga bartay ay ka qeybisay dhowr kaam oo ku yaalla caasimada Muqdisho hilibka ciida weyn ee Adxa.

Maxamed Xasan Cali oo ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan xero ku taal degmada Dharkeynleey ayaa uga mahad celiyay sida wanaaga badan ee ay u soo gaarsiiyeen walaalaha  bisha Cas ee Imaaraaadka kaalmadan.

Dowladda Imaaradka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha ka jawaaba baaqyada ka yimaada dowladda Federaalka Soomaalida ee ku aadan dhinaca gargaarka beni’aadanimo iyada oo dalka ka wada mashaariic dhanka horumarinta iyo dib-u dhiska ah.