U bood dhigaalka

Muqdisho: Robab Ka Da’ay Caasimadda Oo Xiray Waddoyin Muhiim Ah

Sheeko:Amniga

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho iyo qeyb ka mid ah dalka ka da’ay Roobab xooggan kuwaas oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Roobabka  oo Xalay xilli dambe si xooggan ugu bilaabmay caasimadda ayaa waxa ay biya dhigeen waddooyinka Muhiimka ah ee Magalada.

Qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda ayaa Roobabki xalay ka da’ay sababeen in ay hakad galaan Isku socodka dadka iyo Gaadiidka .

Waddooyinka ay saakay Biyaha xireen ayaa waxaa ka mid ah Wadada Isku xirta Isgoysyada Bar Ubax iyo Warshadda Caanadaha, halkaas oo ay biya dhigeen Roobabkii ka da’ay magalaada Muqdisho .

Dhanka kale Waddada Isku xirta Isgoysyada Zobbe iyo Danwadaagaha ayaa iyadana xiran saakay , Iyadoo wadada anay isticmaali karin Gadiidka dadweynaha .

Waddooyinka xiran sidoo kale waxaa ka mid ah kawaan bari, masaajidka Irshaad hormarta, waddada macalin Nuur iyo Fagax.

Dowladda federaalka ah ayaa ku guuldareysatay in sameyso meelo dhuumo biyaha ka baxaan iyo booyado dhuuqa intaba xilli roobaadka taasi oo keenta in mushkiladdan ay soo laalaabto.

Roobkan oo ah Gu’ga ayaa sidoo kale ka curtay dhammaan gobollada dalka xilli ay abaar ba’an jirtay muddo dheer qaar ka tirsan gobollada sida Jubbaland iyo Galmudug.

 

GoobJoog News