U bood dhigaalka

Muqdisho: Safiirkii Jaamacadda Carabta oo Muqdisho Ku Geeriyooday, Abu Geyth oo Ka Hadlay

Sheeko:Amniga

Waxaa galabtii sabtida magaalada Muqdisho ku geeriyooday safiirkii ururka jaamacadda carabta ee Soomaaliya Xamuud Bin Samraan Al-xuweydi.

Xogheyaha guud ee jaamacadda carabta Axmed Abuu Geyth ayaa ka tacsiyeeyey isaga oo tacsi u diray ehelka iyo diblomaasiyadda Sacuudiga, una rajeeyey inuu eebe u naxariisto.

Abuu Geyth waxaa uu intaas ku daray inuu sharaf u ahaa diblomaasiyadda carabta, waxaa uuna Soomaaliya ka shaqeynayey tan iyo markii la magacaabay 2016-kii.

Goobjoog News