U bood dhigaalka

Muqdisho: Shacab Dhigay Dibad Bax Ka Dhan ah Monitoring Group(Sawirro)

Sheeko:Dalka

Boqolaal dad ah ayaa isusoo bax looga soo horjeedo Monitoring Group ka sameeyay Daljirka daahsoon ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Odayaal, Ganacsato, dhalinyaro, haween iyo dadweyne badan ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Monitoring Group iyagoo ku eedeeyay in ay kooxdan ay ka soo horjeedo hor-umarka dalka.

Sabtidii la soo dhaafay waxaa war saxaafadeed soo saaray odoyaal, ganacsato iyo ergo ka socota qeybaha kala duwan ee bulshada iyagoo sheegay in ay cambaareynayaan Monitoring Group-ka, kana   sheegay shirkaas in kooxdan ay adeegsato handadaad iyo warar been abuur ah oo ay ka sameeyaan Shakhsiyaad iyo hay’ado Soomaaliyeed.

Monitoring Group for Somalia and Eretria waa koox golaha amaanka u xilsaaray in ay la socdaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya laakin waxaa lagu eedeeyaa in ay siyaasadeeyaan warbixinnada ay diyaariyaan.

002 003 004 005 006 007 001