U bood dhigaalka

Muqdisho: Shil khasaare sababay oo saaka ka dhacay degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka uu halkaas ka dhacay shil gaari oo sababay dhaawaca afar ka mid ahaa rakaabkii saarnaa baabuurtaas.

Shilkan ayaa ka dhacay isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ahaa nooca hoomiga loo yaqaano.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa loola cararay Isbitaalka Madiina si loogu dabiibo. Mid ka mid ah saraakiisha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in qof ka tirsan dhaawacyada uu culusyahay dhaawaciisa oo u badan madaxa.

Dadka ku dhaawacmay shilkan ayay waxyeeladu ka soo gaartay qeybaha sare ee jirkooda.

Saraakiisha ilaalada wadooyinka ayaa u sababeeya shilalka soo noqnoqda ee ka dhaca gudaha Muqdisho aqoon yarida wadayaasha gaadiidka iyo taxadar la’aantooda.