U bood dhigaalka

Muqdisho: Shir Looga Hadlayo Xalka-Waara Ee Qaxootiga Iyo Barkacayaasha Oo Furmaya

Sheeko:Dalka

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Furmaya Shirweynaha qaran ee u helidda Xal-waaraha Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo barakayaasha.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Goobjoog News Maxamud Cali Xaaji, shirka waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Arimaha Gudaha iyo federaalka gaar ahaan Hay’adda u qaabilsan qaxootiga iyo barakacayaasha qaran.

Shirkan ayaa Socondonna Muddo Saddex maalin ah, iyada oo ay ka soo qeyb galayaan Mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka ah, Dolwad-Goboleedyada dalka ka dhisan iyo Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Q/M ee UNHCR.

shirka ayaa la Filayaa Maalinta Sedaxaad ina laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan qodobada la isku afgartey ee xalka waara loogu helayo Qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo Barakacayaasha qaran.

Wararka shirka, Kala Soco, Goobjoog News