U bood dhigaalka

Muqdisho: Taraafikada Oo Cabasho Ka Ah Ciidamada Hubeysan Ee Gaadiidka Wata

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Cali Maxamed Cali oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan ciidamada hubeysan ee dowladda.

Waxa uu sheegay in ciidamada qaar ay ku xadgudbaan ciidanka ilaalada waddooyinka islamarkaana aaney ku tixgelin shaqooyinka ay hayaan.

Waxa uu sheegay Taliyaha iney jiraan ciidamo gudanayey howlahooda shaqo, islamarkaana Koontarool ku hayey gaadiidka si awood ah inta loo sheegtay la jir diley amaba la diley waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa soo baxday askartii Isgoysyada taagneyd ee gaadiidka kala waddey ee la rabay iney samaafaro noqdaan sida sharcciga dhigayo ayaa howlihii iyaga oo wada waxaa dhacday in baabuurta lagu dhufto, xabad lagu dhufto oo iyaga la isaga leexiyo sida baabuur, wadada inta la dhex dhigo looga tago, waxaa dhacday iyagoo shaqeynaya oo gaadiidka koontaroolaya oo buugga fiirinaya in hubka laga dhigto oo lagaba qaato, waxaa dhacday kuwo maxbuus ah oo xiran oo Taraafikadii ah oo katiineysan in la dilo wey soo baxday iyaduna, kolley ciddii wax dishaa waa laga magi doonaa iyadana” ayuu yiri Taliyaha.

Waxaa jira ciidamo aan ahayn kuwa Ilaalada waddooyinka hadane gaadiidka ka qaada buugga aqoonsiga, aqoonsiga darwalka iyo sidoo kale gaadiidka ku qabsada Taarikada, hadaba Goobjoog News ayaa taliyaha hor dhigtay su’aal ku aadan waxa ay ka yeelayaan ciidankaasi.

“Waa is barbaryaaca jiro ayeey ka mid tahay, waayo haddii Baabuur leesin laga qaadayo, haddii shaqo laga joojinayo, haddii lagu qabsanayo buugga iyo leesinka waa inaan annagu ognahay, ciidamada kale shaqo kale ayeey leeyihiin, laakiin dowladda wax buug, leesin qaadi karo waa Taraafiko, waxa Taargo la’aanta qabsan karo waa Taraafiko, waana sharci dowladda ayaana sameysay, haddii cid kale ku xad gudubto shaqadaasi waxay noqoneysaa is barbar yaaca jira, waana ka adkaan doonnaa waxaas oo dhan markaan is kaashanno”

Mararka qaar waxaa waddooyinkaa waaweyn ee magaalada Muqdisho lagu arkaa askar qabaneysa howlihii shaqo ee loogu talogalay ciidamada Ilaalada waddooyinka, waxaana arrintaasi aad ugu dhib qaba dad leh gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Goobjoog News