U bood dhigaalka

Muqdisho: Waddo Halbowle ah oo Dib Loo Furay

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u furtay waddada hormarta xarunta dambi barista ee CID-da ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, taas oo muddo u xirneyd xarunta oo ay u yaaleen koontaroollo iyo dhagxaan waa weyn

Waddadaan ayaa waxaa ay tahay mid halbowle ah marka loo eego isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyo halka ay kaga  taallo Maka Almukarama,  waxaana xirnaa qeyb kamid ah laamiga, ah kasoo horjeedka hotel Saxafi.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay markii la furay waddada ayaa sheegay in si rasmi ah loo furay, dowladdana ay ku howlan tahay furitaanka  waddooyin kale oo xiran gudaha magaalada Muqdisho.

Waddaan ayaa waxaa ay kamid noqonaysaa waddooyin dhowr ah oo sababo amni loo xiray  dibna  loo furay, kuwaas oo gaadiidka ay dhib ku qabeen in ay maraan maadaama uu cariiri badan uu ka jiray Koontaroollada la dhigay iyo dhagxaanta.

Goobjoog News