U bood dhigaalka

Muqdisho: waddooyinka Oo U Xirmay mooshinno Iska Soo Horjeeda

Sheeko:Dalka

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saakay xiran, iyada oo la dhigay ciidamada ammaanka, ka hor kulan la filayo in ay yeeshaan Xildhibaannada golaha Shacabka.

Ciidamo is kugu jira Nabad-sugid iyo millatari ayaa la dhigay waddooyinka soo kala xarunta Baarlamaanka .

inkastoo warar ay sheegayaan in la baajiyey haddana saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayey labo Mooshin oo iska soo horjeeda kuwaas oo loo ballansanaa in xarunta golaha shacabka ka dhacaan sagaalka subaxnimo.

Mid waa Mooshinkii Jawaari, halka midka labaad laga keenay madaxweynaha.

Goobjoog