Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta ku dhawaaqay dib u howl-gelinta Hay’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha , hey’adda ayaa sidoo kale loo magacaabay xubno ka shaqeyn-doona.
Xubnahan Hay’adda Tayo-dhowrka iyo badqabka badeecadaha oo ka 5 xubnood waxaa ay kala yihiin:
1:  Guddoomiye Aadan Xasan Barre
2: Cabdillaahi  Salad Xasan    Xubin
3: Ibraahim Naxamed Xasan   Xubin
4: Fartuun Siidow Macalin Cabdi  Xubin
5: Cabdi Saqaawe Cismaan Xubin
Hay’addan ayaa hoostageysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, waxa ay xarumo kala duwan ku yeelan doontaa dhammaan gobollada Dalka, si sare loogu qaado Tayada waxyaabaha Dalka ka soo gala Dekedaha, Garoomada iyo Xuduudaha Dalka.
Goobjoog News