U bood dhigaalka

Muqdisho: Xarunta Farsamada Gacanta Oo La Dhagax Dhigey

Sheeko:Dalka

Muddo dhowr iyo Labaatan Sano ah kadib waxaa maanta la dhagax dhigay xarun lagu baran doono farsamadda gacanta, waxaana munaasabadda dhagax dhiggan ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkad gaar loo leeyahay ayaa fulin doonta dhismaha mashruucan, waxaana sida mas’uuliyiintii dhagax dhiggan ka qeybgalay sheegeen faa’ido badan oo shaqo abuur ah u noqon doontaa dhallinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in xaruntan ay kaalin weyn ka qaadan doonto shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dalku markuu burburay illaa hadda farsamo gacan oo wanaagsan ma helin  waxaana dhismahan  maanta aan dhagax dhignay uu muhiimad shaqo u leeyahay dhalinyarada, waana fileynaa in howshan markii ay dhammaato ay dhallinyarada ka faa’ideysan doonaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Bile Nuur, Wasiiru dowlaha Wasaarada waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Jaamacadaha iyo Iskuullada dalka ay kaga ahmiyad weyn tahay Xaruntani wasaaraddooda.

“Wasaraada waxbarashada iskuulada iyo jaamacadaha badan waxaa uga muhiimsan Farsamada gacanta waana tan keentay inaan maanta goob joog aan u ahaanno Xaruntaan farsamada gacanta lagu baran doono” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Goobta maanta la dhagax dhigay ayaa ku taalla Degmadda Shibis ee magaalada Muqdisho, meel ku dhow halka ay ku shiri doonaan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaaliya.

Goobjoog News