U bood dhigaalka

Muqdisho:Barakacayaal ka hadlay gargaar loo fidiyay xilli ay u baahnaayeen

Sheeko:War
IMG_7974
Haween ka mid ah danyartii afurka loogu qeybiyay Cabdicasiis

Qoysas dan yar ah ayaa galabta degmada Cabdi Casiis ee gobolkan Banaadir loogu qeybiyay deeq isugu jira afur iyo casho oo ay ugu tala gashay bisha cas ee dowladda Imaaradka Carabta.

Qoysaska maanta ka faa’ideystay deeqdan ayaa gaaraya 500 oo qoys, kuwaasoo si diiran uga mahad celiyay masuuliyiintii gacanta ka geysatay deeqdan gargaarka ah.

Ijaabo Sugulle oo ka mid ahayd haweenkii la gaarsiiyay afurka ayaa mahad naq kadib sheegtay in xilligan ay aad ugu baahnaayeen gargaarkan maadaama ay tahay bil barakeysan oo Ramadaan.

Dhanka kale, jiille maxamuud calasoow oo asna ku hadlay magaca odayaasha ugu weyn ee danyartan ayaa umahad celiyay dowladda Imaaraadka, kuna baaqay in lagu daydo dadka gargaaraya danyarta.

Bisha Cas ee dowlad Imaaradka Carabta ayaa balan qaaday in inta lagu guda jiro bishan Barakaysan ee Ramadaan ay ka bixin doonaan degmooyin uu ka kooban yahay gobolka Banaadir Kaalmooyin iskugu jira Dhar iyo Raashin ,kuwaasi oo la siin doono dadka ay aad u liidato dhaqaalahoodu iyo Tabartoodu.

IJAABO SUGULE