U bood dhigaalka

Muqdisho:Dab ka kacay xaafada Korontada ee degmada Wadajir

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya xaafada Korontada ee degmada Wadajir ayaa sheegaya in dab khasaare sababay uu ka kacay guryo ku yaalla gudaha xaafadaas.

Dabkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xargaha korontada ee dhex mara qaar ka tirsan guryaha xaafadaas.

Ma jiro warar dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dabkan, gawaarida dab damiska ee Ambalaasta ayaa lagu arkayaa iyaga oo ku sii jeeda goobta uu dabku ka kacay.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM