U bood dhigaalka

Muqdisho:In ka badan 350 arday oo u fariistay imtixaanka deeqo waxbarasho

Sheeko:War
Agaasimaha-wasaarada-hidaha-iyo-tacliinta-sare
Agaasimaha wasaarada hidaha iyo tacliinta sare Soomaaliya, Ismaaciil Yuusuf Cismaan, Sawir Qaade: Maxamed C/lahi

Waxaa maanta magaalada Muqdisho u fariistay imtixaanka deeqaha waxbarasho ee ay dowlada Soomaaliya ka heshey wadamada Sudan iyo Yeman Arday kor u dhaafaysa 350 arday.

Masuuliyiinta wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ayaa sheegay in la qorsheeyay inay ka soo gudban imtixankaan 280 ardey oo ugu danbeyn u socdaasha aadista dalalka laga helay deeqaha waxbarasho.

Intii ardaydaan  aysan u fariisan imtixanka ayaa barxadda Schoolka  Maxamuud Mire oo imtixaankan lagu qaadayay waxaa kula hadlay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo dar daaran u jeediyay.

Wasiirka hidaha iyo taclinta sare ee xukuumada Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay in wasaaraddu qaadista imtixanadkaan u diyaarisay gudi gaar ah si looga fogaado in musuq iyo wax la mid ah ay meesha soo galaan.

Wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta Ciise Maxamed Guraase oo isna goobta kula hadley ardeyda  ayaa u sheegay deeqaha waxbarsho ee ay u safrayaan inay u ogaadaan fursad qaali ah inay u tahay dalkooda.

Agaasimaha wasaarada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in kala shaan dheynta ardaydan loo mari doono wadiiqo ku saleysan cadaalad iyo hufnaan.

Wasiirka haweenka iyo xuqul insaanka  xukuumada soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhalinyarada isugu jirtey wiilasha iyo gabdhaha ee galayey imtixanka kula dar daarantay inay ka faa’iideystaan deeqdan hadii ay ku guulesytaan si ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa dadaal u gashay ardeyda Soomaaliyeed iney u tartansiiso deeqaha  waxbarasho oo dalka dibadiisa ah iyadoona wasaaraddu gudiyo kala duwan u xil saartay qaabka imtixaanaadka.