U bood dhigaalka

Muqdisho:Xarunta Daaweynta Qaaxada ee Folariini oo dib loo hirgelinayo

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”51″]

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigtay Isbitaalka Daawaynta Qaaxada ee Folariini ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka kala socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda ayaa si wada jir ah uga qayb galay dib u hawl galinta Isbitaalkan.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed aadan Guuleed (Caana Geel) oo hadal ka jeediyay dhagax dhiga ayaa sheegay in maamulka gobolka uu gacan weyn ka geysanayo dhismaha xaunta Daawaynta Qaaxada ee Folariini.

Caana Geel ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay mashaariic fara badan oo uu wado maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, agaasimaha guud ee wasaaradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Faarax oo isna goob joog ka ahaa dhagax dhiga ayaa uga mahad celiyay hay’adda iskaashiga ururka islaamka ee ka dhisan Sucuudiga (OIC) kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha qeyb ka mid ah xarunta.

Iidle Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda OIC ayaa sheegay in dib u dayactirka Cisbitaalka uu qeyb weyn ka qaadan karo sidii dadka qaba cudurka TB-da ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad.

Isbitaalka Daawaynta Qaaxada ee Folariini ee Magaalada Muqdisho ayaa ahaa isbitaal weyn oo ay dadka xanuunsan ay ka heli jireen adeegyo caafimaad oo kala duwan kahor burburkii dowladdii dhexe ee dalka.