U bood dhigaalka

Muqtaar Maxamed Cuti “Waan Soo Dhawaynaa horoamrka Iyo Guulaha Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Tartanka ay iska kaashaadeen Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo Xiriirka Minifootboolka ayaa lagu soo gabagabeeyaya magaalada Muqdisho, waxaana tartankan ka qeyb gala ilaa afar naadi oo ka mid ah kooxaha u diiwaangashan, waxaana tartankan maal gelinayay Ha’y adda UNFP ee Qaramada Midoobay.

“Waa Nasiib Darro in Warbaahinta ay ka Maqnaadaan Dhacdooyinka Minifootboolka iyo xirfadda quruxda ee ciyaartooyda kubadcag yaraha” ayuu munaasabada xeritaanka tartanka Minifootboolka ka sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

“Waan soo dhawaynaa horoamrka iyo guulaha Xiriirka Minifootboolka sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle oo igu marti qaaday xeritaanka tartankii xiisaha badnaa ee Minifootboolka“ ayuu sheegay ciyaaryahankii hore Xulka Qaranka Soomaaliya iyom naadiga Batroolka Muqtaar Cuti.

 

“Waan U Hambalyaynaa kooxda Barwaaqo ee ku guulaystay koobkii ay iska kaashadeen Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya” ayuu warbaahinta u sheegay Agaasiamaha waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saacid Maxamed Xuseen (Saacid Baariyow).

 

Daawo Warbxin Ku Saabsan Tartanka La Soo Xeray

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiye-xaaji-aadan-waxaan-diyaar-u-nahay-in-aan-la-shaqayno-wasaaradda-ciyaaraha-iyo-dhalinyarada-soomaaliya/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle