U bood dhigaalka

Muran Ka Taagan Hanaanka Loo Soo Xulayo Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya muranka ku aadan hanaanka loo soo xulayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed, iyadoo cabasho badan ay muujiyeen Waxgarad iyo siyaasiyiin.

Muranka ugu weyn ayaa waxa uu ka taagan yahay xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ee laga soo xulayo degmooyinka gobalka Bakool.

Siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan gobalkaasi ayaa sheegay in aysan raali ka ahayn hanaanka xulista xildhibaanada ee hadda la wado, iyaga oo tilmaamay in ay dib uga laaban doonaan kalsoonidii maamulka Koonfur Galbeed u hayeen.

Hadaba iyadoo ay taa jirto ayaa hadana maamulka Gobalka Bakool waxa uu sheegay in si bulshadu ay ku wada qanacsan tahay loo soo xuli doono xildhibaanadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka Bakool Maxamed Xasan Maxamuud oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in degmo walba oo ka mid ah gobalka Bakool dadka deggan ay heli doonaan xuquuqdooda.

Waxa uu sheegay in degmooyinka Caato, Yeed iyo Ceelbarde oo ah meesha ugu daran ee buuqa ka jiro dadka deggan ay si sharci ah u heli doonaan wax walba oo xuquuq ah oo ay leeyihiin.

Dhawaan ayaa la filayaa in lasoo dhiso baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo soo xulista xildhibaanada baarlamaankaasina ay meel gabagabo ah marayso.

Goobjoog News