U bood dhigaalka

Muranka Nile-ka: Itoobiya Oo Diidan Xal Ay Wadaan Bankiga Adduunka

Sheeko:Dalka

Itoobiya  ayaa diiday baaq ka yimid dhanka Masar oo ku aadanaa in Bankiga adduunka uu dhexdhexaadiyo khilaafka ku saabsan arrinta biyo xireenka kaasi oo Itoobiya ay ka dhiseyso wabiga Nile.

Hailemariam Desalegn oo ah ra’iisulwasaaraha Itoobiya jimcadiina ka soo laabtay booqasho uu ku tagay magaalo madaxda Masar ayaa diiday arrintani.

Labada dowladood ayaa kawada hadlay arrinta biyo xireenka muddo bil laga joogo balse Masar ayaa waxay ka baqeysaa in biyo xireenka uu saameeyo qoondad ay ku leedahay wabiga biyaha Nile.

Dhankeeda dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dhismaheeda teedka  uusan saameyn doonin qoondada biyaha deriskeeda,waxayna tilmaantay in biyo xireenkaan ay ka dhalineyso tamarta korontada Afrka, kaasi oo lagu maalgaliyey lacag dhan 4 bilyan.

Sanadkii 2012 ayaa la bilaabay dhisidda biyo-xireenka waxaana la filayey in xariga laga jaro 2017, balse warbaahinta Itoobiya ayaa waxay shaacisay 60% lagu guuleystay dhisiddiisa.

Goobjoog News