Murashax Odowaa Iyo Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Kawada Hadlay Doorashada Galmudug

Kulan balaaran ayaa goordhow waxaa uu Villa Somaaliya ku dhexmaray ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo murashaxa madaxtinimada Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa.

Xildhibaan Odowaa oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka ayaa Kheyre iyo xukuumaddiisa ka dalbaday in Galmudug ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana aan dadka deegaanka la duudsiin xuquuqdooda ah iney doortaan qofka ay rabaan.

Mudane Cabdiraxmaan Odowaa waxaa uu ka digay in faragelin lagu sameeyo hannaanka doorashada Galmudug, lana garba duubo rabitaanka shacabka, laguna qasbso dad kor looga keenay.

Dhankiisa ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa balanqaaday hufnaanta doorashada Galmudug iyo in dowladda ku ekaandoonto korjoogteyn, isla markaana reer Galmudug leeyihiin cidda ay dooranayaan.

Kulan oo yimid maalin kadib markii Odowaa uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa ayaa ku dhamaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo sidii Galmudug u yeelan laheyd nidaam dowli ah oo wax ka qabto baahida dadka dowlad goboleedkaas.

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

  1. WAQTIGA WAA KA DHACAY FARMAAJO.
    WIXII UU SADDEX SANO QABAN WAAYAY, SANNADKA U HARSAN KUMA QABAN KARO.
    AQTIGA WUXUU ISAGA LUMIYAY LA DAGAALLANKA MAAMUL GOBOLEEDYADA.

    MARKII UU FARMAAJO TABAR HAYAYNA, TALO MA HAYN.
    HADDA UU SOO QUUSTAY OO UU TALO HAYANA, TABAR IYO WAQTIBA MA HAYO;

    KHASIRA DUNYAA WAL AAKHIRA.

Leave a Reply to printable cialis coupon Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW