U bood dhigaalka

Murashaxii Mucaaradka Dalka Uganda oo Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Amniga

Hogaamiyaha Xisbiga National Unity Party ayaa xabsiga loo taxaabay maanta kadib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha doorashada Yugandha ee la qorsheenayo inay dhacdo Feberaayo 2021.

Robert Kyagulanyi, oo ah heesaa isubedalay siyaasi ayaa caan ku ah magaca Bobi Wine waana 38 sano jir doonaya inuu xilka ka tuuro Madaxweynaha mudada dheer ka talinayey Ugandha ee Yuweri Musefeni.

Bobi Wine ayaa kadib markii loo fasaxay inuu tartanka ka qeyb geli karo sheegay in dhalinyarada Yugandha ay doonayaan inay iska xoreeyaan Kalitaliska Musefeni ee dalkaasi kasoo talinayey 35 sano.

Maaha markii ugu horeysay oo la xiro siyaasigan oo taageero badan ka heysta dhalinyarada, Taliska Booliiska ayaan weli wax war ah kasoo saarin xarigiisa.

Goobjoog News