U bood dhigaalka

Murashaxiinta Madaxtinnimada Oo Lacag Ugu Yaboohey Abaaraha Dalka Ka Jira

Sheeko:Dalka

Shir ilaa 12 murashax madaxtinnimo isugu yimaadeen oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadley arrimo badan ay ka mid yihiin, midnimo dhex-marta murashaxiinta madaxtinnimada, in la taageero dadka ku waxyeeloobey abaaraha iyo in si hoose loola socdo doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ah.

Murashaxiinta madaxtinnimada Soomaaliya ayaa goobta shirka ku dhisay golaha midowga murashaxinta isdel sameysta, magacaas oo ay ku geli doonaan doorashada.

Ilo ku dhaw shirka oo Goobjoog News la hadley ayaa  xaqiijiyay in go’aan lagu gaarey sidii murashaxiinta madaxtinnimada ay lacag ugu deeqi lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha ku saameeyeen deegaanno badan oo dalka ah.

Ishan waxaa ay ka gaabsatey tirada lacagta iyo goorta ay tahay in ay bixiyaan murashaxiinta lacagtaasi, arrimahaas oo la sheegey in lagu faah-faahin doono shir jaraa’id oo ay qaban-doonaan.

Murashaxiinta madaxtinnimada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadley sidii ay si dhaw ula socon lahaayeen doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ah oo maalmaha 11-12-ka ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Goobjoog News