U bood dhigaalka

Mursi oo Xabsi Daa’in lagu Xukmay Qadiyadii Jaajuusnimada

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taallo Qaahira ayaa xabsi daa’un ku xukuntay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi iyo hogaamiyaasha Ikhwaanka Masar Maxamed Badiic, Sacad El-Katatni iyo Cisaam El-Ciryaan.

Mursi iyo raggan kale, Waxaa lagu soo eedeeyay arin ah Juujuusnimo iyo in ay u basaasayeen Hay’ado Ajnabi ah.

Isla Qadiyadan Waxaa dil lagu xukumay Kheyrat El-shadir, Maxamed Biltaji iyo Hogaamiyaal kale oo ka tirsan Ikhwaanka Masar.

Mursi ayaa horay loogu xukmay dil toogasho arinta la xiriirtay Jabsashadii Xabsiga Wadi Nutraan ayey maanta Maxkamadda Ayiday dilkaas, waxaa sidoo kale Qadiyad kale oo ku saabsaneyd dad lagu dilay Madaxtooyada Itixaadiya lagu xukumay 20 Kale sano.

Madaxweyne Musri ayaa ku xukuman 3 sadex Qadiyad oo kala ah: Qadiyadda Jaajuusnimada Xabsi Daa’in, Qadiyadda Xabsiyada Dil toogasho iyo Rabshadihii Madaxtooyada oo lagu xukmay 20 sano, lama oga waxa lagu xukmi doono Qadiyadaha u haray.