U bood dhigaalka

Aqalka Sare: Mushaarka Xildhibaannada Aqalka Sare Waxaa La Ansixin Doonaa Kulanka Ugu Horeeya

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyeha KMG Ah Ee Aqalka Sare Maxamed Xuseen Raage oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in xildhibaanna aqalka sare ay ansixin doonaan miisaaniyadda mishaaraadkooda kulanka ugu horeeya ee xiga marka ay guddoon rasmi ah doortaan, isla markaana bishan ugu horreysaba Xildhibaannada ay mishaarkooda heli doonaan.

Mr. Maxamed  Raage  ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayey sababta Xildhibaannada aqalka sare ay weli  shiri la’yihiin waxaa uu yiri :“Waxaan kullamada u hakiney waxaynu  sugeynaa doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi taas oo todobaadkan la soo gabagabeyn doono”.

Dhinaca Raage waxaa uu ka Hadley ajandaha horyaallada aqalka sare kullamada ugu horeeya, isagoo sheegay in ay ka mid yihiin doorashada guddi doorasho guddoonka, doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa, doorashada guddi hoosaadyo iyo ansixinta arrimo ay ka mid yihiin miisaaniyadda aqalka sare.

Guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare ayaa ugu dambeyntii waxaa uu si cad u sheegay in aqalkooda uu ka soo horjeedo tirada 18ka kursi ah ee madasha qaranka ay ku darday aqalka sare.

“Tirada madasha ay ku dartay aqalka sare waa mid sharci darro ah, waa mid ka hor imaaneysa dastuurka dalka oo dhigaya 54 xubnood aqalka sare ah iyo xitaa nidaamka lagu soo doortay Xildhibaannada aqalka sare oo ah in baarlamaannada maamul goboleedyada soo doortaan” .

Goobjoog News