U bood dhigaalka

Musharax Cusub oo isu Sharaxay Madaxtinimada Jubbaland

Sheeko:Dalka

Cusmaan Xuseen Feyruus ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Jubbaland, taasi oo dhici doonta 15-ka bishan Agoosto 2015-ka.

Xaflad balaaran oo ka dhacday Hoteel Cascaseey ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay soo bandhigeen koox, iyada oo jawiga goobta uu ahaa mid aad u xamaasadeysan.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo taageerayaasha musharax Feyruus ayaa soo dhaweeyey ku dhawaaqistiisa in uu yahay musharax, una rajeeyey in uu ku guuleysan doono xilka.

Musharax Cusman Feyruus oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Haddii la I doorto, koow amniga ayaan wax ka qaban doona, midda labaadna waa caddaaladda, Jubbaland-na waxaan gaarsiin doonaa horumar badan”.

Waa mushirixii sedexaad ee xilka isu soo sharaxa, horey waxaa ku dhawaaqay musharaxnimadooda Axmed Maxamed Islaam, iyo Hiloowle Aadan Maxamuud.

Goobjoog News