U bood dhigaalka

Musharaxiinta oo Golaha Ammaanka u Gudbiyey Qaabka Cidda ay Tahay Inuu Farmaajo Ku wareejiyo Xilka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow laga soo saaray Muqdisho dhambaal ka socda musharaxiinta oo ku socda golaha ammaanka iyaga oo sharaxay xaaladda dalka iyo sida ay tahay in loo maareeyo kala guurka

Midowga musharaxiinta ka kooban 15, oo farriin u diray golaha ammaanka ayaa ku sheegay in mas’uuliyad ka saaran tahay Ilaalinta dalkan nugul, sidaa dateedna ay soo farageliyaan arrimaha Soomaaliya isla markaana ay ku qasbaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu xilka ku wareejiyo gole KMG ah oo ka kooban Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada iyo afhayeennada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah

Musharaxiinta waxaa kale oo ay sheegeen in uu dhacay isku deyn oo lagu qaarin jirin rabay Madaxweyneyaashii hore iyo musharaxiinta dibadbaxayey, oo lagu furay xabado nool, waxayna golaha ammaanka ka dalbadeen inuu furo baaris arrimahaas la xiriira